Home Wararka Dalka Akhriso:- C/raxmaan Cabdi Shakuur oo Wakiilnimada Kala Noqday Qareenadii Udoodayay.

Akhriso:- C/raxmaan Cabdi Shakuur oo Wakiilnimada Kala Noqday Qareenadii Udoodayay.

SHARE
  • Views 26
  • Rating 12345
Shakuur

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Saddexdii qareen ee u doodayey u sheegay inuu kala noqday wakiilnimadii, kadib warqad qoraal ah oo uu u diray.

Waxa uu sheegay Shakuur in aysan qareennadaasi matalin, isaga oo sharci darro ku tilmaamay dacwadda loo haysto.

Sidoo kale Shakuur ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ku xadgudbay sharciga, qalad badanna uu ka galay, sida xariggiisa, weerarkii gurigiisa lagu qaaday iyo sidoo kale dadkii halkaasi ku dhintay.

Siyaasigan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in markii ay dhammaato cadaadiska siyaasadeed uu xeer ilaaliyaha ku dacweyn doono wixii dhacay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka: