Home Wararka Dalka Deg Deg: C/raxmaan Cabdi shakuur oo caawa Weerar lagu Qaaday hooygiisa Muqdisho.

Deg Deg: C/raxmaan Cabdi shakuur oo caawa Weerar lagu Qaaday hooygiisa Muqdisho.

SHARE
  • Views 67
  • Rating 12345

Warar ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeesan oo katirsan Dowlada Soomaaliya weerar ku qaadeen Guriga uu Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/Raxmaan Cabdishakuur.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlay Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kuyaala agagaarka Hotelka Jaziira, waxaana la sheegay Ciidamo afka u xiran in ay gudaha u galeen guriga Siyaasigan.

Ciidamo katirsan Dowlada gaar ahaan kuwa afka u xiran ayaa ku sugan guriga C/Raxmaan Cabdishakuur, waxaana warar aan helnay sheegayaan in ciidamada halkaasi ka xireen dad ku sugnaa gurigaasi oon la ogeyn waxa uu yahay.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay rasaasta laga maqlay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaan sidoo kale war laga Helayo Halkaasi ay sheegayaan in uu dhaawac soogaaray

Cabdiraxaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa Siaasiyiinta dowlada Soomaaliya mucaaradka ku ah kana shaqeenayay in xilka laga qaado Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna Siyaasigan marar badan eedeyn usoo jeediyay Madaxda dalka ugu sareysa.