Home Maqal iyo Muuqaal Dhageyso Culumada Somaliyed oo Sheegay in uu diinta ka baxay Cabdi Wali...

Dhageyso Culumada Somaliyed oo Sheegay in uu diinta ka baxay Cabdi Wali Shiikh Cali Cilmi yare..

SHARE
  • Views 57
  • Rating 12345

Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saaray arrinta ku aadan mid kamid ah Culumada ku nool Magaalada gaalkacyo oo dhawaaan soo bandhigay sawirka Nin kale kaas oo u ku sheegay in uu yahay Nabigeena Muxamed NNKH.

Majmaca oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bayaankooda ku sheegeen in ninka soo bandhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabigeena NNKH uu Diinta Islamka ka baxay sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa kaloo bayaanka lagu sheegay in laga doonayo in Ninkaas uu toobad keeno oo uu Allah u soo laabto.

Dhanka kale Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ugu baaqeen Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Biloow Sheekh Xuseen oo ah Shaqsiga sawirkiisa la adeegsanayay in uu mowqifkiisa cadeeyo wallow isna uu hadlay oo uu sheegay in arrintaan uusan wax lug ah ku laheyn.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Hadalka Culumada,