Home Wararka Dalka Dowlada Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Weerarada Alshabaab.

Dowlada Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Weerarada Alshabaab.

SHARE
  • Views 49
  • Rating 12345

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Haweeney la socotay Kolonyo ka mid ah Ciidamada Kenya oo marayay Gobolka Lamu ay dhimatay kaddib markii ay weerar ku qaadeen Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya ee Larry Kieng,ayaa sheegay in Haweeneyda ay Gawaarida Booliska markii hore ku raacday qaab bilaash ah oo ay waddada ka sii qaadeen markii ay weerarka la kulmeenna iyada ku dhimatay.

Waxaa uu Mr Larry Kieng xusay in labo Gaari oo Booliska leeyihiin la gubay,halka 15 Askar ah oo la socotay  13 ka mid ah dhaawac iyo iyaga oo bad qababa la hayo.

Waxaa uu sheegay in aysan garaneyn halka ay qabteen labo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee Kolonyada la socday waxaana uu ka gaabsaday in ay ku maqanyihiin gacanta Al-shabab iyo in kale.