Home Wararka Dalka Duqeynta Sanadkaan Maraykanka ay Ka geesteen Soomaaliya oo Sare u Kacday.

Duqeynta Sanadkaan Maraykanka ay Ka geesteen Soomaaliya oo Sare u Kacday.

SHARE
  • Views 25
  • Rating 12345

Weerarada duqeynta ah ee uu Maraykanku ku qaaday ururka Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya sanadkan ayaa gaartay 34 weerar halka sanadkii hore ay ka ahayd illaa iyo 13 weerar oo kaliya.

Dowlada Maraykanka duqeynta ay ka geysteen sanadkan ayaa la sheegay in ay badankood ahaayeen kuwo lagu qaaday maleeshiyaad ka tirsan ururadan halka hore la  bartilmaameedsanayay saraakiisha sarsare.

Duqeynta ay Maraykanka ka geysteeyn sanadkan ee gaareysa 34ka jeer ayaa labo kamid ah waxaa lagu diley wakiiladii Al-Shabaab ee gobolka Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Hase yeeshee duqeyntii u dambeysay ayaa lagu qaaday gaari yar oo nooca raaxada ah oo marayay meel u dhow deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo ka soo baxay  Taliska dhexe Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka hortageen gaari la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaas duqeynta ah ay ku dileen ilaa 4 ka tirsan Al-Shabaab oo saarnaa sida Warka lagu sheegay Gaariga oo noociisu ahaa Carib kaas oo siday qaraxyo.