Home Wararka Dalka Faafaahin Dheeraad ah qarax ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday,,,

Faafaahin Dheeraad ah qarax ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday,,,

SHARE
  • Views 1002
  • Rating 12345

Qarax Nuuca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa xalay la kacay Gaari nuuca dadweynaha ah oo kusii jeeday Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, qaraxa ayaana ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga Caasiga ayaa ku dhintay qaraxa miino halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, dadka dhaawacyada soo gaaray ayaana lagu daweenayaa isbitaalo kuyaala magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa haleelay ayaa la sheegay in uu kusii jeeday degnada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qaraxan la tilmaamay in si aan ku tala gal aheyn u haleelay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah.

Laamiga u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa kusoo kordhayay mudooyinkan dambe qaraxyada miino ee halkaasi lagu aaso, waxaana qaraxyadan inta badan lala eegtaa gaadiidka dagaalka ay wataan ciidanka dowlada, waxaana mararka qaar qaraxyadan haleelaan gaadiidka dadweynaha.