Home Wararka Dalka Gudoomiye Taabit oo maanta Ka Hor tegay Dad ka Banaanbaxaya Waddo u...

Gudoomiye Taabit oo maanta Ka Hor tegay Dad ka Banaanbaxaya Waddo u xiran Safaarada Qadar ee Muqdisho (Sawiro)

SHARE
  • Views 58
  • Rating 12345

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa Maanta si deg deg ah uga jawaabay Cabasho ay dhigayeen Shacab ka soo horjeestay Iskuday Safaaradda Qatar ee Muqdisho ay ku dooneysay in ay jarto Waddo Hormarta Xarunteeda oo ku taalla inta u dhexeysa Km4 iyo Tarabuunka.

Wadadaan oo Horay u xirneed Tan iyo Markii Halkaasi ay degtay safaarada Turkiga ayaa waxaa Sii xirmayay wadadaas.

Laakiin Turkiga ka dib Waxaa Halkaasi ku wareegay Safaarada Qadar ee Soomaaliya, Waxa ayna sii xireen Qayb ka mid ah Wadadaas.

” Shacab Farabadan oo Ka caraysan Qaabka Loo xirayo Wadadaas ayaa Maanta Banaanbax Xoogan Ka dhigay Muqdisho,Waxaana Ku soobaxay Maamulka Gobalka Banaadir.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed oo Maanta Shacabkii dhigayay Banaanbaxa La hadlay ayaa Dalbaday in ay is dejiyaan, islamarkaana dib loo furayo Wadadaas.

Waxuu Ka dalbaday shacabka in ay Dib ugu laabtaan Goobaha ay ka yimideen,Lana xalin doono Cabashooyinkooda.

Halkaan Ka Daawo Sawirada.