Home Wararka Dalka Guriga Sanater Cabdi Xasan Cawaalle Qaybdiid oo La Weeraray.

Guriga Sanater Cabdi Xasan Cawaalle Qaybdiid oo La Weeraray.

SHARE
  • Views 34
  • Rating 12345

 

Ciidamadan ayaa xirey wadooyinka soo gala guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaal degmada Hodon agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in ay baaritaan ka wadaan gudaha guriga Cabdi Qeybdiid.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senator Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatarka.

Hoyga Senator ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dhigayo dastuurka dalka.Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida