Home Wararka Dalka Jawaari oo Magacaabay Guddiga ka soo shaqeynaya Kiiska Qalbi Dhagax

Jawaari oo Magacaabay Guddiga ka soo shaqeynaya Kiiska Qalbi Dhagax

SHARE
  • Views 70
  • Rating 12345

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Maxamed Sheekh Cusmaan “ Jawaari” ayaa Magacaabay Guddigii soo baari lahaa Kiiska C/kariin Shekh Muuse Qalbi Dhagax iyo go’aankii ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono sidii warbixin tifaftiran loogu keeni lahaa golaha Shacabka isla markaana baaris dheer oo cad loogu sameyn lahaa qodobada ay Xukuumada Soomaaliya u adeegsatay Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Guddigaan ayaa ka kooban 15 Xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana ku jira 3 Xubnood oo Haween ah.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay Magacyada iyo hab raac magacaabista guddigaan.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay shaqooyinka ay qabanayaan guddigaan iyo maalinta laga rabo iney warbixin usoo gudbiyaan Golaha Shacabka.