Home Wararka Dalka Maraykanka oo War ka soo saaray Duqeyn ay Ka Fuliyeen Saldhig Alshabaab...

Maraykanka oo War ka soo saaray Duqeyn ay Ka Fuliyeen Saldhig Alshabaab ay Lee yihiin.

SHARE
  • Views 28
  • Rating 12345

Howlgalka dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ,islamarkaana ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM  waxa ay sheegeen duqeyntaasi in ay  dhacday Subaxnimadii Axadda aheyd , waxaana ay beegsadeen xubno ka mid ah Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntaasi ay ku dishay in ka badan 13 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sidoo kale xustay in howlgalkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada dowladda ee sidda gaarka ah u tababar.

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay  Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaa