Home Wararka Dalka Maxkamada Racfaanka Gobalka banaadir oo Waqti u qabatay dhagaysiga Dacwada C/raxmaan Cabdi...

Maxkamada Racfaanka Gobalka banaadir oo Waqti u qabatay dhagaysiga Dacwada C/raxmaan Cabdi shakuur

SHARE
  • Views 23
  • Rating 12345

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Maxamed ayaa waqti cusub u qabatay kiiska dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur, iyadoo ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.

Warqadan oo goor dhow ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa lagu sheegay  in C/raxmaan aanu soo xaadirin fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwada oo maanta aheyd, isla markaana uu wakaaladii qareennimo kala noqday qareenadii u doodayay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa dhageysiga dacwadda u muddeysay 3-da bisha Janaayo ee sanadka cusub 2018 oo ku beegan maalinta Arbacada, marka saacadu tahay 10-ka subaxnimo.

Halkan hoose ka akhriso warqada cusub