Home Wararka Caalamka Raiisal Wasaaraha Itoobiya oo wada hadal u furay Oromada iyo Soomaalida,,

Raiisal Wasaaraha Itoobiya oo wada hadal u furay Oromada iyo Soomaalida,,

SHARE
  • Views 429
  • Rating 12345

Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamulada Somalida iyo Oromada dalka Itoobiya oo waayahan xiisad adag ay ka taagneyd.

Kulanka oo ay ka qayb galeen madaxda Maamulada,Odayaasha Labada dhinac iyo wakiillo ka socday dowladda Federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay shaqaaqada dhexmartay Somalida iyo Oromada.

Hailemariam Desalegn,ayaa ku hanjabay in tallaabo cad laga qaadayo dadkii ka dambeeyay khilaafka sababay dagaalka ee u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida.

Waxaa uu Raiisal Wasaaraha Itoobiya hanjabaad gaar ah u diray Warbaahinta labada maamul ee buun buuninaya colaadda labada dhinac isaga oo sheegay in si gaar ah Warbaahinta loola xisaabtamayo.

Dadka Oromada iyo Soomaalida ayuu ugu baaqay in ay nabad ku wada noolaadaan,islamarkaana ay ka waantoobaan dagaalka oo uu sheegay in ay gacmo shisheeye ka dambeeyaan.

Wada hadallada oo ka sii socon doona Adis ababa ayaa looga hadlayaa wixii ka dhex dhacay Soomaalida iyo Oromada,xalka laga gaarayo iyo sidii looga hortagi lahaa in mar kale ay soo laabtaan dhacdooyin noocaas ah.

Qowmiyada Oromada ayaa waxa ay dileen Somali gaaraysa 42 ruux, iyadoo 18 ka mid ah aas qaran loogu sameeyay Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya.