Home Wararka Dalka Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Xubno La Socda Oo Ku Wajahan Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Xubno La Socda Oo Ku Wajahan Mareykanka

SHARE
  • Views 495
  • Rating 12345

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  iyo Xubno la socda ayaa Maanta ku wajahan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha la socda ayaa dalka Mareykanka uga qeyb geli ka doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.

Maalin ka hor waxaa Gaaray magaalada New York wafdi horudhac ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Wasiir Yuusuf ayaa horay Warbaahinta ugu sheegay in inta ay ku sugan yihiin Mareykanka ay kulamo Gooni Gooni ah la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka, oo iyana shirkasi ka qeyb galaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo,ayaa qorshuhu ahaa in uu shirkaasi ka qeyb galo balse uu ka baaqsaday, waxaana Ra’iisul Wasaare Kheyre uu noqonayaa markiisii ugu horeysay uu ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.