Home Wararka Dalka Wararkii ugu danbeeyay Mooshinka laga keenay Raisal Wasaare Xasan kheyre iyo halka...

Wararkii ugu danbeeyay Mooshinka laga keenay Raisal Wasaare Xasan kheyre iyo halka uu marayo,,,

SHARE
  • Views 861
  • Rating 12345

Xildhibaano tiro yar oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaayeen diyaarinta mooshin ay doonayaan in ay ka gudbiyaan Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre.

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanada qorshaha diyaarinta Mooshinkan waday oo markii hore ka badnaa 50-xildhibaan ay hada kala fur furmeen, waxaana jira Xildhibaano dib uga laabtay go’ankii ay markii hore ku taageerayeen Mooshinka.

Xildhibaano tiro yar ayaa lagu soo waramayaa in wali ay ku mashquulsan yihiin diyaarinta Mooshinka ka dhan ah Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Jheyre, walina ma aysan cadeeyn Xildhibaanadan waxa ay ku maageen Xukuumada ayna mooshinka uga gudbinayaan.

Waxaa jira mucaaradad xoogan ay xiligaan gudaha iyo dibadda kala kulmayaan Xildhibaanada tirada yar ee mooshinka hor boodaya, waxaana suurto gal ah in Xildhibaanadan uu lasoo darso niyad jab ayna dib uga laabtaan mooshinkan aysan cadeyn ujeedkiisa .

Xildhibaanada Mooshinka gadaal ka riicaya ayaa wali u muuqda kuwa is qarinaya oon saxaafada ka hor hadlin, waxaana Xildhibaanasan la sheegay in isugu jiraan kuwa damac siyaasadeed uu waalayo iyo sidoo kale kuwa dhaqaalo doon ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageersan Xukuumada Soomaaliya uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana Xukuumadan lagu amaanay in wax badan ay qabatay waqtiga yar e ee jirto, iyadoona looga fadhiyo in wax qabad intii hore ka badan la timaado bilaha soo socda.